“Madaxweyne aan doorano ha noo dambeysee duq magaalo qof iyo cod maku dooran karnaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal kooban wuxuu kaga hadlay magacaabista madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in caasimada Soomaaliya ay joogaan ciidamada AMISOM oo magaalada ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, islamarkaana ay yihiin ciidamo badan oo xaqiijin kara amaanka, balse aysan wali ka dhicin doorasho qof iyo codkii ah.

Wuxuu sheegay in madaxweyne kastaa oo qabtaa xilka madaxweynaha dalka inuu soo magacabo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, taasna aysan wanaagsaneyn.

“Caasimadda waxaa ku sugan ciidanka ugu faraha badan ee Soomaaliya, waana xarunta AMISOM oo ah ciidanka ugu xoogga badan dalka. Haddana Madaxweyne kastaa wuxuu ku daydaa kii ka horreeyay oo wuxuu noo magacaabaa Duq Magaalo iyo xataa ku xigeennadiisa”

“Madaxweyne aan dooranno ha noo dambeeyee, Muqdisho oo keliya inteenna deggani qof iyo cod ma dhiiban karnaa aan ku dooranno Duq Magaalo?”

“F. G.  Xog ogaal uma ahi sababta uu Madaxweynuhu xalay xilka uga qaaday mid ka mid ah Ku Xigeennada Duqa, mid hor lehna u magacaabay. Kan cusubna hambalyo ayaan leeyahay, guulna waan u rajeynayaa. Qormadeyduna kuma saabsana sababta uu isbeddelku u dhacay ee waxaan u dan leeyahay nidaamka dalka ee doorasho la’aanta caasimadda”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com