Farmaajo oo ‘ka laabanaya aqoonsi dowladdii Shariif ay siisay dalka Kosovo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha debadda dalka Serbia, Ivica Dačić ayaa Arbacadii safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Serbia.

Mr. Dačić ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabudllaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha debadda, Axmed Ciise Cawad sida ay qortay warbaahinta.

Kulankaasi ayaa looga hadlay, soo celinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshan labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

Sida laga soo xigtay Dačić, Madaxweyne Farmaajo ayaa  xaqiijiyay in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya  xeerarka caalamiga ah.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka laaban doonto go’aankii xukuumaddii Sheekh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay dalka Kosovo sannadkii 2010-kii.

Kosovo waa waddan yar oo ka go’ay dalka Serbia 17-kii Febraayo 2008, kadib  halgan dheer oo ay xornimada u galeen dadka gobolkaasi oo 90% ay muslimiin yihiin.

Dowladda Maraykanka iyo in ka badan 70 waddan oo kale ayaa wakhtigaasi  dal madax-bannaan u aqoonsaday Kosovo, balse waxaan weli aqoonsan Ruushka iyo dalal kale, taasi oo ka hor-taagan Kosovo in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com