Xog: Wafdiga Somaliland ee Nairobi oo waji-gabax kala kulmay safiirada dalalka…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dhowaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya safar ku tagey Wafdi balaadhan oo ka socday Somaliland, kuwaasi oo halkaasi ku yeeshay kulamo kala duwan.

Wafdigan ayaa waxay ka koobnayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo ay kala hogaaminayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraabe.

Mas’uuliyiinta wafdiga reer Somaliland ayaa waxay kulan la yeeshen safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, iyaga oo warbixino ku aadan doorashooyinkana siiyey safiiradaasi.

Xogo ay Caasimada Online ka helayso kulankaasi ayaa waxay sheegayaan in Safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku ay ka muujiyen walaac arrimaha doorashooyinka, iyaga oo si cadna uga horyimid inay gacan ka geystaan doorasho aysan u dhameyn xisbiyada Somaliland.

Safiiradan ayaa waxay weli ka biyo diidan-yihiin in aan xal waara laga gaarin khilaafka xisbiyada ee ku aadan doorashoyinka, oo xisbiga Waddani uu meel adag iska taagay.

Wafdigan ka socday Somaliland ee ka koobna xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, oo iyagu dhankooga ku adkeysaneyay inay doorashadu qabsoomi karto xisbiga Waddani oo ka maqan, ayaa waxay Safiiradan u sheegen inaysan dhaceyn doorasho aysan u dhameyn xisbiyadu, oo weliba aysan wax taakulo ah ka geysaneyn.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer Guddoomiye Ciro ku eedeyay inaanu diyaar u ahayn in Somaliland ay doorasho ka dhacdo.

Waxa iyaguna hore ugu eedeeyay in xukuumaddu Biixi ka gaabisay in doorasho qabsoonto Gufdoomiyaha ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, kaasi oo ku baaqay in Madaxweyne Biixi uu doorkiisa hogaamineed ka qaato dar-dar gelinta qabsoomida doorashooyinka.

Guddoomiye Anwar ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay inay guddida doorashooyinka Somaliland ay is-casilaan, taasi oo xal u noqon karta aqbalida doorashada ee xisbiga Waddani.

Sidoo kale Guddomiyaha kumeel gaarka ah ee Waddani, Cabdilqaadir Jirde, ayaa isaguna hore u sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay safiirkii UK ee hargeysa yimid ay siisay war been ah oo ku aadana in la dhameeyay khilaafkii doorashada.

Si kastaba, Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro ayaa isagu ka digey in xukuumada Somaliland ay isku deydo inay qabato doorasho aanu ku jirin Xisbiga Waddani, isagoona ku hanjabay hadii ay qabato in taageerayaasha Waddani ay iyaguna doorasho qabsan doonan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com