Filim Soomaali ah oo noqday kan ugu wanaagsan Afrika

Ouagadougou (Caasimada Online) – Filimka Soomaaliga ee “The Gravedigger’s Wife” (Xaaska Qabri Qodaha) oo uu sameeyey Khadar Ahmed ayaa ku guuleystay abaal-marinta ugu sarreysa ee Bandhigga Filimada Afrika (FESPACO) ee lagu qabtay dalka Burkina Faso.

Khadar Ahmed, oo ah 40 jir haysta dhalashada Finland, ayaan xalay ku sugneyn xafladda si uu u guddoomo abaal-marinta Golden Stallion, hase yeeshee waxay shaqadiisa ka guuleysatay 16 filim oo kale oo African ah oo kaalinta koowaad kula tartamay.

Aflaanta kale ee tartanka la galay ayaa waxaa sameeyey agaasimeyayaal ka socda 15 dal oo African ah. 

Kooxda xeer-beegtida ee go’aanka ka gaartay filimada tartantaka galay ayaa waxaa hoggaaminayey filim soo-saaraha u dhashay dalka Mauritania Abderrahmane Sissako, oo sanadkii 2015 billadda aadka loo raadiyo ee Faransiiska ee Cesar ku helay filimkiisa “Timbuktu”.

Sissako ayaa yiri “biladda Golden Stallion waa tan ugu sarreysa ee filim sameeye African ah uu ku guuleysan karo, waa wax aad loogu farxo.” 

Filimkan ayaa horraantii sanadkan wuxuu abaal-marinta filim sameeyeyaasha cusub ka helay banhdigga filimada Cannes. Waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyey ee dhameystiran ee uu sameeyo Khadar. 

Khadar Ahmed ayaa ku koray Soomaaliya kahor inta aanu u guurin Finland, waxaana filimkiisa maal-geliyey dalalka Finland, France iyo Germany.

Bandhigga Filimada Afrika oo markii ugu horreysay la qabtay 1969-kii ayaa waxaa labadii sanaba mar lagu qabta caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

Dhacdadan ayaa waxaa aad ula socda shirkadaha filimada ee Mareykanka iyo Yurub oo ka raadiya aflaan cusub, fikrado iyo xirfadleyaal.