Maxay ka wada hadleen R/W ROOBLE iyo wafdigii QM?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay, waxayna ka wada-hadleen xaaladaha guud ee dalka.

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa horkacayey ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka, gaar ahaan abaaraha ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada dhinac si gaar ah uga doodeen sidii loo gaari lahaa dadka ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee koonfurta oo ah meelaha haatan ugu daran.

UNHCR ayaa ballan-qaaday inay gacan weyn ka geysan doonto u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, ayna samafaleyaashooda gaari doonaan deegaanada ugu daran.

Kulankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah inay u gurmadaan deegaanada ay ka jiraan abaaraha, gaar ahaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubbaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo noq-noqday abaaro daran, kuwaas oo saameeyey noloshada dadka iyo duunyada intaba.