Qarax xooggan oo ka dhacay KAMPALA + Khasaaraha

Kampala (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay qarax xalay ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, sida uu sheegay madaxa booliska Uganda Asan Kasingye, oo qoraal soo dhigay twitter.

Qaraxa ayaa abaare 9:00 pm ka dhacay banaanka maqaayad caan ah oo ku taalla deegaanka Kawempe ee waqooyiga Kampala.

Weli ma cadda waxa sababay qaraxa, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

Ugu yaraan toddoba qof oo kale ayaa lagu dhaawacay qaraxa, sida ay weriyeen warbaahinta gudaha.

“Booliska waxay ka jawaabeen qarax weyn oo qiyaastii 9:00 pm ka dhacay maqaayadda Digida,” waxaa sidaas twitter soo dhigay afhayeenka booliska Fred Enanga.

“Goobta qaraxa ayaa la xiray, waxaana cutubka qaraxyada ay tageen goobta, si go’aan looga gaaro in qaraxa uu yahay ficil caalami ah iyo in kale,” ayuu yiri. 

Uganda ayaa waxaa saaran Bandow dalka oo dhan ah oo ka billowda 7 pm hase yeeshee lama hirgeliyo. 

Kooxda Daacish ayaa 8-dii bishan sheegatay mas’uuliyadda qarax bam oo aan la xaqiijin oo ka dhacay bar boolis oo ku taalla isla deegaanka Kawempe ee qaraxii xalay uu ka dhacay.

Ma jirin wax qarax ah ama waxyeello ah oo ay mas’uuliyiinta ama warbaahinta gudaha soo weriyeen xilligaas, inkasta oo booliska ay goor dambe sheegeen dhacdo yar oo dhacday.

Dalalka UU iyo France ayaa wixii markaas ka dambeeyey uga digay muwaadiniintooda inay u safraan Kampala, ayaga oo sheegay inay suurta-gal tahay qaraxyo ka dhaca halkaas.

Qaraxyada ayaa naadir ku ah Uganda. Kampala ayaa waxaa asiibay weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ka fulisay 2010.

Weerarkaas oo lala beegsaday taageerayaal daawanayey koobka adduunka kaasi oo lagu dilay 76 qof.