Senator Mashruuc oo R/W Rooble u diray farriin la xiriirta dagaalka ka socda Guriceel

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saaray baaq nabadeed oo ku aadan xiisada dagaal ee Guriceel.

Senator Mashruuc ayaa ugu horeyntii sheegay in dagaalka ka socda Guriceel uu dabaal-deg u yahay kooxaha argagixisada, ugana dhigan yahay cadow isku jabay, sida uu sheegay.

“Xabbadda Guriceel ka socota waxa kaliya ay dabaal deg u tahay kooxaha argagaxisada oo ay uga dhigan tahay cadow isku jabay. Waa in la joojiyaa dagaalka, lana aadaa dhanka ka shaqeysiinta caqliga, wada hadalna lagu dhameeyaa caqabadaha taagan, lagana baaqsadaa dhiigga inuu sii qulqulo,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Senator Mashruuc.

Senator-ka ayaa ugu baaq Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu si deg deg ah u fara-geliyo xiisada dagaal ee Guriceel, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

“Guryo ay tacsi taal, doorasho ayaan ka qabaneynaa caqli beniaadnimo iyo mid Dawladnimo ma aha. Mudane Mohamed Hussein Roble, Raisal wasaaraha JFS waxaan ugu baaqayaa inuu si deg deg ah u soo fara geliyo una istaago joojinta dhiigga walaalaha Soomaaliyeed.”

“Guul, nabad, barwaaqo iyo Dawladnimo waarta ayaan u rajeynayaa Galmudug,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa Senator Maxamuud Mashruuc.