Xog: Diyaarad ciidan horleh gaarsiisay Qoor Qoor kadib dagaalkii shalay lagu hoobtay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo ka tegay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb, xilli Galmudug iyo dowladda ay jab weyn kala kulmeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Guriceel ee ay la galeen Ahlu-Sunna.

Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof oo u badnaa ciidan, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo dhanka dowladda ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaarad siday ku dhowaad 300 oo ciidan ay qorax dhicii shalay gaartay Dhuusomareeb. Ciidankan ayaa waxaa ka mid ah Waran, Duufaan, Haramcad iyo Gorgor.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Ahlu-Sunna, inkasta oo la sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ay kasoo horjeedaan.

Ciidamada ayaa waxaa shalay asiibay khasaarooyin xooggan, waxeyna waayeen saraakiil sare, ayada oo xubno ayaga ka mid ah ay diideen in dad walaalo ah la isku laayo.

Dhinaca kale, ciidan horey u joogay Dhuusomareeb ayaa xalay u dhaqaaqay dhanka Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu qarxo dagaal loogu hoobto sida kii shalay oo kale.

Dagaalkii shalay oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa xalay iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan.

1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada.

2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel