FIQI: “Bil 3 gurigaagana waa ay kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaaji adduunka uga dalbaday in cunaqabateynta laga qaado Eriterea ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka kaga hadlay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa xukuumadda Asmara.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAN AXMED MACALIM FIQI :

Taariikhda iyo Sooyaalka umadeed laguma bedeli karo hadal iska tuur ah iyo ficilo aan laga fiirsan oo miyir-qabka iyo dheelitirnaantu ka maqan tahay.

Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo!

Habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu i soo xasuusiyey xikmaddii aheyd “Bil Saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”! Siyaasadda iyo go’aanada dawladeed waxey u baahan yihiin xeerin iyo xeeldheeri, geesinimo iyo kal-adeyg, Uma baahna tanaasul joogto iyo ku xadgudub qiyamta umadda

Djibouti waa walaalo, aysan jirin cid booskooda noo geli karta, xaalad kasta iyo waqti walbana waa garab taagannahay!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com