FIQI “Farmaajo waxa uu ETHIOPIA ciid mubaarak ahaan u siiyey afar dekad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa dhaliilay qodob ka mid ah heshiiskii ay shalay Muqdisho ku saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Qodobkaas oo ahaa qodobka 7-aad ee heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Ethiopi iyo Somalia ayaa dhigayey in si wada-jir ah loo maal-gashado afar dekad oo ka mid ah kuwa Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Ethiopia ciid mubaarak ahaan u siiyey afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku yiri “Abiy Axmed oo booqashadiisa ku soo aadiyey maalintii labaad ee ciidda barakaysan ayaa Madaxwaynaheena oo deeqsi ah Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood iyo magaalooyinka Waaweyne ee Soomaaliya in Itoobiya qunsuliyadahooda ay ka furan karto si ay arrimaha deegaanadaas ka jira ay ula socoto ama xafiisyadeedaasi ay u noqdaan kuwa laga xukumo goboladaas..

Madaxweynaha haddii uu sidaas deeqsi u yahay muxuu imaaraatka halka deked ugu diiday?? Mase ciidda barakaysan farxadeedii ayaa lagu gaaday odoga!!”

Si kastaba, inkasta oo uu jiro heshiiska dekadaha, haddana waxay labada hoggaamiye ay isku raaceen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbannaanida labada dal, sida ku cad qodobo badan oo heshiiska ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com