Berlin (Caasimada Online) – Booliska magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa baadi-goob xooggan ku haya nin lagu magacaabay Abdul B. oo 21 jir ah, kadib markii lagu tuhmay inuu ku lug lahaa weerar sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca ugu yaraan 16 kale xilli ay socotay munaasabadda Berlin Pride.
Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in tuhmanaha uu yahay nin caato ah oo leh timo madow, isla markaana xilliga dhacdada uu xirnaa funaanad madow oo koofiyad leh iyo surwaal cad. Hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ka codsaday inay si degdeg ah ula xiriiraan booliiska haddii ay arkaan ama ay hayaan xog la xiriirta halka uu ku sugan yahay.
Booliiska ayaa sheegay in Abdul B. lagu tuhunsan yahay inuu dhaawacay dhowr qof oo ku sugnaa deegaanka Tiergarten, halkaas oo ay ka socotay munaasabadda Pride.
Waxay xuseen in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in tuhmanuhu uu weli baxsad yahay, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal ballaaran oo lagu baadi-goobayo.
Saraakiisha baaritaanka ayaa sidoo kale sheegay in la rumeysan yahay in hal ama in ka badan oo qof ay ka carareen gaariga kadib markii uu weerarku dhacay. Booliska ayaa hadda isku dayaya inay aqoonsadaan dadkaasi si loo ogaado doorkooda iyo waxa ay ka ogaayeen dhacdada.
Mas’uuliyiinta Berlin ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu ku geeriyooday, halka 16 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladdoodu culus tahay, waxaana isbitaallada magaalada la dhigay tiro badan oo ka mid ah dhibbanayaasha.
Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay magaalada Berlin, iyadoo ciidamada ammaanka ay xoojiyeen ilaalinta goobaha ay dadku isugu yimaadaan. Baarayaashu weli ma shaacin sababta rasmiga ah ee weerarka, mana caddeyn inay dhacdadan la xiriirto fal argagixiso ama ujeeddo kale oo dembiyeed.

