24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Mustaqbalka AUSSOM oo laga shirayo – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo caasimadaha Addis Ababa ee Itoobiya iyo Kampala ee Uganda waxaa ka socda wada-hadallo iyo shirar heerar kala duwan leh oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulamadan ayaa si gaar ah loogu falanqeynayaa sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha dhaqaale ee soo wajahay howlgalka, kaddib markii Mareykanku hakiyay qayb ka mid ah taageeradii maaliyadeed ee uu bixin jiray.

Shirarkan oo billowday horraantii bishan ayaa si isdaba joog ah uga socday saddexda magaalo, iyadoo dhinacyada ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, waddamada ciidamada ku leh howlgalka iyo dalalka kale ee taageera amniga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la qorsheynayo shir heer sare ah oo 31-ka bishan ka qabsoomi doona magaalada Kampala, kaas oo la filayo inay ka soo baxaan go’aanno la xiriira maalgelinta howlgalka, dib-u-habeyntiisa iyo qorshaha lagu sii wadi karo taageerada amniga Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxa Howlgalka AUSSOM ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka, dalalka taageera howlgalka iyo ururro caalami ah. Kulamadaas ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, caqabadaha horyaalla howlgalka iyo baahiyaha dhaqaale iyo farsamo ee lagama maarmaanka u ah sii socoshada howlgalka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kulamadaas ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhismaha ciidamada qalabka sida. Dowladda ayaa xustay in ciidamada Soomaaliyeed ay sanadihii u dambeeyay muujiyeen awood ay si madax-bannaan ugu fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay ula wareegeen sugidda amniga xarumo muhiim ah iyo ilaalinta madaxda dowladda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay waddo qorsheyaal amni oo cusub, kuwaas oo faahfaahintooda aan weli si rasmi ah loo shaacin sababo la xiriira xaaladda amniga. Tallaabooyinkan ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin qorshaha loogu diyaar garoobayo marxalad ay ciidamada Soomaaliyeed si buuxda ugu qaadi karaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26-kii Juun sheegay in dowladdiisu diyaarisay guluf ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo xusay in qorshahaasi si rasmi ah shacabka loogu soo bandhigi doono marka la soo dhameystiro diyaar-garowgiisa dhinaca farsamada iyo howlgalka.

Doodaha ku saabsan mustaqbalka AUSSOM ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan maalgelinta howlgalka iyo sida loo xaqiijin karo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ayaa hore u sheegay inay ka shaqeynayaan qorshe mideysan oo lagu xaqiijinayo kala-guurka amniga iyo sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60