Fiqi oo shaaciyay ‘arrin shaki ah’ oo ku jirta warqadii DF ee kiiska Ciise Tarabuun

Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay warqad ay soo saartay Wasaaarada warfaafinta DF Soomaaliya, taasi oo ay ku bayaanineysay kiiska Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan ‘Ciise Tarabuun’.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inay shaki badan abuureyso sida ay wasaarada cadaalada Soomaaliya ay ugu aamustay bayaaninta kiiskaasi, midaasi oo badalkeeda ay war ka soo saartay Wasaarada Warfaafintu.

Hoos ka aqriso qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo Xildhibaan Fiqi oo uu bartiisa Facebook soo dhigay:

“Warka wasaaradda warfaafinta iyo kan wasiirka Amniga oo ka wada tirsan xukuumadda isla xisaabtanka neceb waxaa u dhexeeya farqi weyn.

Sida wasiirka amnigu u sharxayo ninka uu ku tilmaamay madaxa amniyaadka Muqdisho isla markaana caddeeyey halisnimadiisa iyo warqadda wasaaradda Warfaafinta oo hawshii hey’adaha cadaaladda aad moodo in ay faraha la gashey, waxaa ka muuqda isku dhexyaaca hey’adaha dawladda iyo faham-darrada kaalimaha ay kala leeyihiin.

Eedaysane waxaa lagu fasixi karaa ayadoo la raacayo sharciga dalka loona marayo hey’adaha cadaaladda dalka u qaabilsan. maxkamadaynta eedaysane, xukunkiisa, sii dayntiisa iyo bixinta mugdi kasta oo kiiska eedaysanahaas la xiriira waxaa caddaynteeda looga fadhiyaa hey’adaha cadaaladda boos kuma lahan wasaaradda Warfaafintu kiis la xiriira cadaalad.

Warqadda wasaaradda warfaafintu waxay sii calwisay shakigii la qabey meeshii ay uga Dan laheyd In ay daweyso, laguma qanci karo warqadaas aan macnaha weyn laheyn ee degdegta lagu soo saaray, hey’adaha cadaalada ayaa looga fadhiyaa kala cadeynta ninkii wasiirka amnigu ku tilmaamay madaxa amniyaadka qaabka sharciga ah ee lagu daayey ee aan waxba looga soo qaadin qayladhaantii iyo bishaaradii uu wasiirka Amnigu ugu bishaareeyey shacabka soo qabashadii madaxa amniyaadka MUQDISHO”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho