Fiqi oo shaaciyey 5 qodob oo uga baxay wareysigii guddoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo shan qodob oo uga baxay wareysi uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan siiyey idaacadda VOA. Hoos ka aqriso.

WARKA GUDDOOMIYUHU WAA CAD YAHAY:

Waxaan dhagaystay waraysi idaacadda VOA-du ay la yeelatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo hadda ku sugan dalka Turkiga, laguna wado inuu Muqdisho soo gaaro maalinca berito ah. waraysigu wuxuu ku saabsanaa go’aankii guddoomiye KXG koowaad uu ku kala diray guddiga maaliyadda 28 November 2018.

Guddoomiye Maxamed Mursal waraysigiisa wuxuu ku caddeeyey dhowr arrimood arrimood oo muhiim ah:

  1. In la ilaalin doono dastuurka iyo xeerhoosaadka golaha shacabka ayna noqon doonaan kuwa hagi doona go’aan ka gaarista arrinta taagan.
  2. Wuxuu muujiyey Madax banaanida Barlamaanka, mana jirto caqli keeni kara in barlamaanka la hoosgeeyo golaha fulinta ayuu ku daray.
  3. Arrinta kala drista guddiga, wuxuu caddeeyey; in xeerhoosaadku wuxuu qabo la raaci doono, haddii uu qabo in guddoonku kala diri karo guddiga sidaas ayey noqonaysaa, haddii uusan qabinna in guddoonku kala diri karo guddigana guddigii ma noqonayo mid la kala diray, mar walba waxaa na hagaya xeerhoosaadka. asagaana wax kala saaraya.
  4. Guddoomiye ku xigeenka koowaad go’aankiisa wixii uu ku saleeyey iyo waxyaabihii ay soo saareena weli inuusan arkin isla markaana uusan aqrin ayuu sheegay, sidaas awgeed marka uu yimaado Muqdisho uu arki doono.
  5. In Golaha Shacabka oo fadhigii loo diiday in uu fariisan doono ayuu ku soo gabagabeeyey, hawlihiisiina wadan doono.

Guddoomiye Mursal wuxuu waraysigiisa kooban ku muujiyey mas’uuliyad, xilkasnimo, aqoon dhanka sharciga dalka iyo inuu go’aanka u soo celiyo Golaha shacabka oo ay ku jiraan 276 Xildhibaan, waxaan rajaynaynaa in uu dhammaan doono khilaafka lagu soo dhextuuray Barlamaanka iyo kawa kale ee taaganba.