Dhageyso wareysi: Mursal oo si rasmi uga hadlay kala diristii guddiga maaliyadda

Istanbul (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA uga hadlay kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka ee uu ku dhowaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdi Weli Muudeey.

Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse waxa uu diiday inuu sheego waxa sharciga uu arrintaas ka qabo

Guddoomiyaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay inuu berri tagi doono magaalada Muqdisho, eegi doona warqadda lagu kala eryey guddiga iyo sharciga baarlamanka, kadibna bixin dooni jawaab cad oo ku saabsan arrintan.

Mursal ayaa u muuqday inuusan ku dhiiri karin inuu ka hor-yimaado xukuumadda, islamarkaana uusan dooneyn in loo arko qof xukuumadda ka baqaya, taasi oo jawaabtiisa ka dhigtay mid aan caddeyn.

Shalay ayaa wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, si aad ahna ugu dhow xukuumadda ay sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin go’aanka Muudey.

Xoghayaha guddiga maaliyadda ee la kala diray Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa isna maalintii la kala diray guddiga sheegay inuu la hadlay Mursal, oo uu u sheegay in ay sharci darro tahay in la kala diro guddiga.

Hoos ka dhageyso wareysiga Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com