Guddoomiye Mursal waxa uu haystaa fursad uu isaga masaxo arrinta lagu xanto

Waa mas’uul haya xil aad u sarreeya. Laakiin sirta furan ee suuqa u taalla, oo runna noqon karta sida uu kursigaas ku helay marka la eego; sidoo kalena been noqon karta, waa in uu yahay qof kursi la keensaday, oo aanan u madax bannaaneyn go’aanada uu sharciyan gaari karo, ama qeyb ka noqon karo.

Maanta oo ay Golihii Shacabka ka taagan tahay mushkilad ku saabsan jiritaanka iyo shaqada Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka, Guddoomiye Mursal wuxuu heystaa fursad aad u weyn oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu muujin karo in baarlammaanka uu yahay meel uu nidaam ka jiro, asaguna uu yahay mas’uul go’aanadiisa u madax bannaan!

Sidoo kale mushkilad kale oo aan si toos ah loo ogeyn go’aanka uu ka qaatay ayaa ka taagan gobolkiisa.

Fursadaha iyo go’aanada masiirkaaga jaangoynaya haddii ay ku baal maraan, ma tihid mas’uul, keliya waxaa tahay mushaar qaate haya xil maamuus! Hoggaamiyaasha ugu magaca dheer taariikhda caalamka ma aha kuwa muddada ugu dheer hayay xilalka, ee waa kuwa qaatay go’aanno aan lagu dhiiran karreyn.

Guddoomiye adiga uun is shaabadeey maanta!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid