Fiqi oo shaaciyey qorshe yaab leh oo uu qeyb ka yahay xarriga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xariga shalay magaalada Baydhaba loogu gaystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in xariga Roobow “uu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea” ee xildhibaanada baarlamanka ay mooshinka ka keeneen.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi ee facebook oo dhameystiran.

Waxaa Baydhabo dad joogaa ii xaqiijiyeen in ciidamada Abiy Axmed ee Itoobiya ay xoog ku qafaasheen musharaxii madaxweynaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow oo guddiga doorashadu u diiwaan galiyeen ka qeybgalka tartanka doorashada madaxweynenimada K/G.

Waa ayaandarro in ciidamo ajnabi ah loo adeegsado ku xadgudubka muwaadiniin Soomaaliyeed iyo u xoog sheegshadooda.

Falkani wuxuu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea, waa midkii ay xildhibaanada qaranku ay ka sii digeen, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo cadaanaya wajiga dhabta ah ee madaxda dalkeena.

Dalkaan Itoobiyaan iyo Eritreeyaan laguma qabsan karo!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com