FIQI oo sharci-darro ku tilmaamay arrin ay booliska DF ka sameeyeen Galmudug

Guriceel (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saartay masjid ku yaalla magaalada Guriceel oo ay xireen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaamtay sharci-darro.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu amray ciidanka booliska degaanada Galmudug in aysan ku lugyeelan murannada ku saabsan masaajida.

“Wasaaradda Awqaafta Galmudug oo kaliya ayaa go’aan ka gaari karta in la xiro masjid ama In la furo. Go’aanka lagu xiray masjidka xaafadda Tawfiiq ee Guriceel ku yaalla waa mid hanaanka sharciga hareer marsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Amniga Galmudug.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa intaasi kusii daray “Arrin kasta oo masaajidda Galmudug ku saabsan waxaa go’aanadeeda loo wakiishay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dawladda Galmduug, waxaa la farayaa hey’adaha amniga In ay ilaaliyaan sharciga kana fogaadaan ku lug-yeelashada muranada masaajidda ku saabsan, islamarkaana ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida.”

Masjidkan ayaa dhawaan dib loo furay ka dib markii magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay gacantooda ka baxday Ahlu-Sunna, waxaana xusid mudan in ay horay u xireen ciidanka Ahlu-Sunna.