Xog: Kulamo u socday Villa Somalia iyo D/Goboleedyada oo maanta lagu kala tegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmahan aaladda muuqaalka Online-ka ee Zoom uga socday wakiillo ka socday Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu kala tegay kadib markii madaxtooyada ay ka cago jiiday dalab ka yimid qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa yimid kadib markii dhowaan xoghayaha guud ee QM uu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu la hadlo madaxweynayaasha maamul goboleedyada, balse marka hore lasoo magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyad iyo Villa Somalia oo shir madaxeedkaas diyaariya.

Dhinaca Villa Somalia ayaa waxaa kulankan ku matalayey agaasimaha madaxtooyada Nuur Fuursade, iyo nin lagu magacaabo Dr. Najiib. Puntland ayaa waxaa matalayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Galmudug waxaa ka socday Kamaal Daahir Guutaale, Jubaland waxay soo dirsatay wasiirka madaxtooyada Xirsi Gaani, gobolka Banaadir waxaa ka wakiil ahayd Sahra Daaduush, Koonfur Galbeed waxaa u joogay agaasimaha Madaxtooyada Ibraahim Maxamed Cabduqaadir Baafo, HirShabeelle-na Makaraan.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, wakiillada maamul goboleedyada ayaa kulan ka horreeyey kii maanta oo dhacay dhowr maalmood ka hor, waxay ku dalbadeen in Villa Somalia ay go’aan kasoo gaarto inay kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada 10-ka illaa 15-ka June, go’aankaas oo maanta laga sugayey.

“Waxaa kulanay afar jeer oo hore waxna sooma kordhin, annaga wakiilo un baa nahay, go’aanadana waxay ka go’aan madaxda, sidaa darteedn nooma muuqan inaan waqti ku lumino kulamadeenna, waxaana dalbanay in madaxda kulmaan,” ayuu yiri mid ka mid ah wakiilada kulanka ka qeyb galay oo codsaday inaan la magacaabin.

Maamul goboleedyada ayaa rumeysan in Villa Somalia aysan daacad ka ahayn in la dhameeyo khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada iyo in arrimaha doorashada laga talo-geliyo maamul goboleedyada, sidaas darteedna ay ka cago jiideyso in madaxda ay kulmaan.

“Waxaa noo muuqatay in kulamadan ay madadaallo yihiin, oo lagu qancinayo beesha caalamka iyo QM balse madaxweynaha uusan dooneyn inuu la kulmo madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri wakiil kale oo la hadlay Caasimada Online.

Dowlad goboleedyada ayaa doonayey inay is arkaan madaxda, islamarkaana ka wada-hadlaan arrimaha doorashada ka hor 27-ka June oo ah xilliga ay baarlamanka hor-tageyso guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaran, waana taas sababta ay u dalbadeen in la kulmo 10-ka illaa 15-ka June.

Si kastaba, markii maanta la isugu soo laabtay kulanka ayaa wakiilada ka socday Villa Somalia aysan la iman jawaabtii laga filayey ee kulanka madaxda sare, waxayna taas beddelkeed sheegeen inaan loo baahneyn in la deg dego, taasi oo keentay in kulanka lagu kala tago.

Dowlad goboleedyada ayaa rumeysan in qorshaha Villa Somalia uu ahaa in maamul goboleedyada lasii madadaaliyo illaa 27-ka June, lana yareeyo cadaadiska beesha caalamka, ayada oo jirto cabsi ku saabsan in qorshe doorasho aysan soo gudbin dooni guddiga doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale caqabad loo arkay in madaxweyne Farmaajo uusan dooneyn inuu la kulmo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo hadda ka hor uu dhaar u maray inuu welgiis horfariisan doonin, balse ay ku qasbeyso beesha caalamka oo u muuqata inay u aqoonsan tahay madaxweynaha Jubaland.