Wasiirada iyo xildhibaanada beelaha Hawiye oo isku raacay hal qodob oo adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee baarlamanka iyo wasiirada ka soo jeeda Beesha Hawiye iyo guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ayaa xalay kulan adag ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa dood dheer kadib la isku afgartay in hal qodob in aan marna laga tanaasulin halka hal qodob oo kalane ay gorgortan ka galaan.

Xubnahaan ayaa isku raacay in Hawiye oo kaliya ay yeeshaan xubnaha matalaya Gobalka Banaadir waxayna riyo ku tilmaameen in lagu qeybsado 4.5. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ay isku raaceen in aysan marna qaadan in Hawiye lala yeesho xubnaha matalaya gobalka Banaadir, marka laga reebo beelaha Banaadiriga.

Qodobka 2-aad oo ay isku raaceen ayaa ah iney ku heshiiyeen iney gorgortan ka galaan tirada kuraasta oo ah 7 xubnood.

Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan ay isla qaateen in marka hore ay lama taabtaan tahay in Hawiye oo kaliya yeesho kuraasta gobalka Banaadir iyo iney dalbadaan in tirada intaan laga badiyo lana geeyo ilaa 8 xubnood.

Xildhibaano kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in labadaas qodob ay ku heshiiyeen islamarkaana aysan qaadan doonin soo jeedinta guddiga wadajirka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan diyaarinta xeerarka ka dhiman sharciga doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale, mas’uuliyiintaan Hawiye ayaa ku heshiiyay inay olole ka sameeyaan baarlamaanka si ay u helaan taageero haddii laga maarmi waayo qorshaha ay isla afgarteen iyo iney qaadaan talaabo kasta oo ay ku heli karaan in gobalka Banaadir noqdo mid ay matalaadiisa yeeshaan Beesha Hawiye oo kaliya.

Lama oga sida ay xaaladu ku dambeyn doonto hase yeeshee kulankaan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee madaxda Hawiye yeeshaan dhowrkii sano ee ugu dambeysay.