Qaar kamid ah shaqaalihii ku howlanaa la tacaalidda COVID-19 oo ka cabanaya xuquuq la’aan bilooyin ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalihii gurmadka ahaa ee ka qeyb qaadanayay la tacaalidda cudurka faafa ee Coronavirus ayaa ka cabanaya xuquuq la’aan muddo bilooyin ah.

Shaqaalahaan oo la soo xariiray Caasimada Online ayaa sheegay in aysan mushaar helin muddo laba bilood ah dadka qaarkoodna ay qaataan bil kasta mushaar loo qoondeeyay.

Shaqaalaha cabanaya oo ka kooban 25 qof ayaa ahaa kuwii qaabilsanaa aaska dadka u dhinta cudurkaan, dhaqidda maydadka, doonidda ama soo qaadida dadka cudurka looga shakiyo ee soo waca Numberka gaaban, halka qaarkoodna ay qaabilsanaayeen in Oksajinka dadka ku xiraan.

Mid kamid ah shaqaalaha cabanaya oo la hadlay Caasimada Online ayaa noo sheegay in dhamaan dadka kale ee ku howlan Covid-19 ay xuquuqdooda qaataan bil kasta balse aysan iyagu helin.

“Waan raadinay waana ka quusanay helidda mushaarkayna sababtoo ah isku tuur tuur ayuu noqday,” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha cabanaya ee nala soo xariiray.

Sidoo kale shaqaalahaan ayaa noo sheegay in markii hore ay qaarkood si lacag la’aan ugu shaqeyn jireen dowladda hoose islamarkaana ay u qaabilsanaayeen arrimaha dayactirka guryaha, dhismaha laamiyada iyo howlaha kale ee la xariira dhismaha ama Fuundninada.

Xariiro aan la sameynay maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ku guul dareysanay si aan wax uga weydiino eedeymaha loo jeediyay, sababtoo ah kama jawaabin codsigii ahaa inay nala hadlaan.