Deni oo ka walaacsan nuuca doorasho ee ay hir-galin karaan guddi lagu soo xulay awood qeybsiga qabiilada

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa walaac badan ka muujiyay nuuca doorasho ay qaban karaan guddi lagu soo xulay hanaanka awood qeybsiga qabiilada (4.5).

Deni wuxuu si guud u dhaliilsan yahay guddiyada ay dowladda federaalka dhisto in lagu saleeyo awood qeybsiga beelaha, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay iney qaban karaan hanaan doorasho oo ka duwan habka ay ku yimaadeen.

“Waxan ka digayaa in nidaamka 4.5 laga dhigo dastuur laguna saleeyo wax walba awood qeybsiga qabiil iyadoo sharci adag laga dhigaayo, ma suuragaleyso arintaas, waxaana ka dhalan kara inuu wadanka dib u laabto” ayuu yiri Deni oo warbaahinta la hadlay.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Deni u sheegay warbaahinta inta laga xalinaayo khilaafka labada dhinac ineysan aqoonsaneyn tallaabo walba oo ay dowladda u qaado hirgalinta doorasho qaran oo wadanka ka dhacda.

Deni iyo maamulkiisa waxey diyaar u yahiin iney kaalin mug leh ka qaataan sidii loogu guuri lahaa iney shacabka soo doortaan qofka ay u arkaan inuu matali karo loogana gudbi lahaa in loo baahdo xulista guddi ku saleysan nidaamka 4.5.