Xildhibaan FIQI oo madaxda DF Soomaaliya ugu baaqay inay geesinimo muujiyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay banaanbax ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? “inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay madaxda dowladda si geesinimo leh usoo hor istaagi lahaayeen waalidiintaas, islamarkaana ay ka run sheegi lahaayeen xogta rasmiga ah ee dhalinyaradii ay u qaadeen Eritrea.

Sidoo kale waxa uu xusay in oohinta maalin kasta ka qubanaysa waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashooda ay ku noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, isagoona sheegay inaysan helin cid daaweysa dareenkooda iyo tabaashooda.

“Waxaa la joogaa waqtigii si geesinimo leh ay waalidiintaas iyo umadda u soo hor istaagi lahaayeen madaxda dalku oo ay ka run-sheegi lahaayeen xogta rasmiga ee dhallinyaradaas iyo waqtiga dalka dib loogu soo celinayo,” ayuu yiri.

“Oohinta ka qubanaysa hooyooyinka iyo aabayaasha wiilashoodii loogu qaaday tababarka dalka Eritrea ee ka waayay war iyo wacaal waxay noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, waxaana muuqata in aysan helin cid dawaysa dareenkooda iyo tabashadooda. Xogta kaliya oo ay ka helayaan wiilashooduna ay noqotay mid welwelkooda sii kordhinaysa.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka ay iska fogeysay in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, ayada oo sheegtay in uu tobabarkooda uu marayo meel gabagabo ah.

Wasiir Dubbe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay caafimaad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-markaana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo, sida uu sheegay.

“Ciidamada waa caafimaad qabaan waa innoo soo socdaan, waana innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri.

Ma jirto wax ka baxsan hadalka afka ah ee dowladda federaalka iskaga difaaceyso eedeymahaas, xili warbixino caalami ah ay muujinayaan in dagaalka Tigray ay qeyb ka ahaayeen askarta Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood kasoo baxsadeen xeryihii ay ku jireen.