Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si adag uga hadlay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Fiqi ayaa marka hore walaac ka muujiyay qabsashada Al-Shabaab ee deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay inay halis ku tahay amniga caasimada.
“Suurtagal ma’ahan Xawaadley in la yiraahdo ciidan ajnabi ah ayaa ka baxay waa galeen Al-Shabaab, mana lagu joogi karo gobolka Banaadir” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga Muqdisho uu ku xiran yahay labada Shabelle, ayna tahay in si deg-deg ah looga howlgalo, si loo sugu amniga caasimada.
“Magaaladan amnigeeda waxa uu ku xiran yahay labada Shabelle iyaga ayaa laga ilaalin karaa oo amniga Muqdisho lagama ilaalin karo Heliwaa, Kaaraan, Kaxda iyo Dayniile, oo ma aha xuduuda laga ilaalin gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay haatan bilaabeyso howlgallo deg-deg ah oo laga fulinayo xuduudaha uu gobolka Banaadir la leeyahay labada Shabelle, si looga ciribtiro argagixisada.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale baaq culus u diray guddoomiyaha cusub ee gobolka, wuxuuna ka dalbaday inuu ku gacan siiyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
“Howlgallada howshaasi la xiriira way bilaabanayaan mudane guddoomiye waqti fiican ayaa kusoo aaday, waxaan rajeyneynaa inaad ciidanka garab u noqotid ” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor Al-Shabaab ay qabsadeen deegaanka Xawaadley, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Burundi ee muddada dheer ku sugnaa halkaasi, waxayna sababta ku sheegeen fatahaado ku dhuftay gudaha deegaankaaasi.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay diyaarad milatari oo ay lahaayeen ciidamada howlgalka AUSSOM oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhacday duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baahiyay sawirrada diyaaraddiisa oo burburtay.