Fiqi: “Wixii horey waxaa ka daray wixii dhacay shalay iyo maanta, wax kalena ka filo Villa Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Soomaaliya mar kale ku eedeeyey musuq-maasuq iyo nin jecleysi, isaga oo ka hdlay laba dhacdo oo shalay iyo maanta dhacay.

Fiqi oo tixraacaya magacaabista guddoomiyaha cusub Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo tartankii orodka ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in laba qof oo aan u tartamin ay ku kala guuleysteen.

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu ku yiri “Waxyaalo badan ayaan u soo joognay, laakin tii shalay iyo Maanta dhacday waa xeer-dhaaf. Xil qofkii kala saarayey dadkii tartamayey uu asagii booskii loo tartamayey isku qaboojinayo, iyo tartan orod oo qof aan dhidinayn uu ku guuleysanayo. Waa qeyb ka mid ah mashruucii markii ugu horeeyey 29 sano, waana qeybaha ugu muhiimsan”

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ahaa guddigii xulayey dadkii u tartamay xilkan, ayada oo ay jiraan warar sheegaya inay saaxiibo yihiin ra’iisul wasaaraha.

“Laga yaabee waxa laga filan karo madaxda fadhida Villa Somalia ee aan macquulka ahayn in ay intaas ka sii weyn yihiin!” ayuu yiri Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com