FLY DUBAI oo amarada DF SOMALIA u jabineysa raali-gelinta Somaliland darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkada diyaaradaha Fly Dubai, ayaa markii u horeysay qaaday talaabo u muuqata mid ay ku jabineyso amaradii xayiraada duulimaadyada ee dowladda federaalka, xili ay Somaliland shirkadaasi ka joojisay duulimaadyadii Madaaradeeda.

Somaliland ayaa dhawaan gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay Fly Dubai ku tagi jirtay Hargeysa, kadib markii ay shirkadaasi diyaaraduhu u hogaansatay awaamiirta Dowladda federaalka ee lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah.

Fly Dubai ayaa arrintaasi wada-hadal kala bilowday Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda duulista Somaliland.

Shirkada Fly Dubai ayaa 19-March ee sanadkan laga celiyay hawada Somaliland, xili la joojiyey duulimaadyada caalamiga ah, balse ay furnaayeen garoomada Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, midaasi oo sababtay in diyaarada Fly Dubai ay gebi ahaanba ka joojiso duulimaadyadii Hargeysa, taasi oo u muuqata ciqaab ka dhan ah amarkii Dowladda federaalka ee ay u hogaansatay Fly Dubai.

Ma cadda natiijada kasoo bixi karta Wada-hadalada Fly Dubai iyo Xukuumada Somaliland, balse waxa la filayaa in shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai ay rali-gelin buuxda ka bixiso awaamiirtii DF ee ay u hogaansatay, si dib loogu fasaxo duulimaadyadii madaarka Hargeysa.