25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Gaadiid dagaal & ciidamo si xoogan u hubeysan oo ku qulqulaya deegaanka..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Saax-dheer Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Khatumo.

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay iminka kusii qulqulayaan gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulka Somaliland kuwaasi oo wada guluf colaadeed ay ku qabsanayaan tuulooyin hoostaga Goobolka Sool.

Ciidamadaani ayaa wata gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya ilaa Afar kuwaasi oo la qorsheynaayo inay gacanta ku dhigaan tuulooyin ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Khatumo.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in halkaasi ay ka taaggan tahay dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxa ayna dadka deegaanka ka cabsi qabaan in dushooda lagu dul dagaalamo.

Dhanka kale, wararka ayaa intaa ku daraya in habeenimadii xalay uu halkaasi isku dhacyo ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo, taasi oo sabab u noqotay in halkaasi ay kusoo qulqulaan gaadiidka dagaal ee Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News