Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Siyaasad ahaan Maamulkiisa u qorsheynaayo in lagu baahiyo min Degmo ilaa tuulo.
Waxa uu sheegay inay jiraan caqabado ka heysta dhanka Maamulada Somaliland iyo Puntland, waxa uuna tilmaamay in Maamulkiisu uusan gacanta ka laaban duunin duulaan uga imaada dhanka Ciidamada ka amar qaata labadaasi maamul ee iminka heysta deegaano hoostaga Maamulkiisa.
Waxa uu sidoo kale cadeeyay inay jiraaan Ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulkiisa kuwaasina ay har iyo habeen u taagan yihin iska caabinta waxa uu ugu yeeray Cadowga lidka ku ah Maamulkiisa oo uu ula jeedo Somaliland iyo Puntland.
Cali Khaliif ayaa soo hadal qaaday kaalinta DF Somalia iyo Beesha Caalamka, waxa uuna carabka ku dhuftay inaysan jirin garab ay ka heystaaan dowlada iyo xubnaha Beesha caalamka ka jooga Somalia.
Dhinaca kale, waxa uu rajo ka muujiyay in xiriir wanaagsan ay la sameyn doonaan dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Somaliland, wax walbana ay ku dadaali doonaan sidii guusha ay ku gaari lahaayeen.
Galeyr waxa uu tilmaamay in Maamulka Khatumo uusan cadow ku aheyn Maamulada dariska la ah, balse mar waliba cadow lagu yahay maamulkiisa oo kaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

