Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan xeer ilaalinta Qaranka Somaalia, ayaa sheegaya inay jiraan Wasaarado gaar ah oo lagu daba jiro kuwaasi oo inta badan ka ganacsadda Fiisooyinka ay bixiso DF Somalia.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in Wasaaradahaasi ay kamid yihiin Wasaarada Waxbarashada, Ganacsiga iyo Sports-ka, waxaana la tilmaamayaa in Fiisooyinka loogu talo galay in tababarada dibada loogu diro dhalinyarada siyaabo qaldan looga iibiyo dadka Tahriibleyda ah.
Ilo wareedka ayaa sidoo kale sheegaya inay socdaan dabagal lagu raadinaayo kiisaska la xiriira lunsashada Fiisooyinka, waxaana la soo warinayaa in iminka lahaayo ilaa Seddex mas’uul oo la shaqeyn jiray wasaaradahaasi xiligii Xukuumada C/weli Sheekh Axmed.
Inta badan Fiisooyinkaasi ayaa waxaa ku dhoofa dhalinyaro dooneysa inay tahriib ku galaan wadamada dhaqan ee saaxiibada la ah Somalia si ay uga sii safraan una galaan Yurubta, inkastoo arrintaasi hakinteeda dhowr jeer loogu baaqay DF Somalia, hadana waxaa muuqaneysa inaysan jirin cid la xisaabtanta Wasaaradaha ku howlan iibinta Fiisooyinka.
Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa dhowr jeer Shir Jaraa’id ku sheegay inay la xisaabtami doonaan Wasaarad waliba oo hoostagta Xukuumada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

