Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in qorshe cusub ka damacsan yihiin qaabka loo sugayo amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Afhayeenka laamaha amaanka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble, oo maanta saxaafada kula hadlay magalada Muqdisho ayaa sheegay iney Muqdisho keeno doonaan ciidamo cusub oo tababar ugu maqan dalka Dibadiisa.
Wuxuu Afhayeen Qaasim uu sheegay in sidoo kale ciidamada dowlada ee taagan isgoysyada magaalada Muqdisho lagu kordhin doono ciidamo tababar ku qaaday gudaha iyo dibada Soomaaliya.
“Waxaan rajeynayaa in ciidamo badan oo tababar ku jiro iyo qaarkood oo dibada ka imaanaya in lagu xoojiyo, waxaan rabnaa in shantii qoys oo meel degen in askari uu la socdo, oo qof walbaa lala socdaa, waxaan rabnaa inaan ogaano guri walbaa inta ku nool”ayuu yiri afhayeenka laamaha amaana.
Maalin kastaa waxaa isgoys-yada qaar ee magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaa askar baaritaano ku sameynaya gaadiidka sida gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha ay raacaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

