28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Safiir Axmed Cabdi Salam oo dowladda Somalia ka jeestay + Qorshihiisa cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Somalia u fadhiya dalka Ethiopia Axmed Cabdi Salaam oo jooga Guriceel ayaa wareeysi uu bixiyey wuxuu ku yiri “Waxa Guriceel ku dagaalamay marna waa Ahlu-Sunna, marna waa beelo walaalo ah oo magaalada wada degan, waxaan go’aan ku gaarnay in khilaafka laga saaro, inay nabada ku wada degenaadaan, Ciidamada AMISOM waa joogayaan, waxay la shaqeynayaan Wasiirka Gaashaandhiga oo heshiiska fulintiisa sii wada”.

Axmed Cabdi Salaam wuxuu meesha ka saarey Dowladda ciidamadeeda, wuxuuna ka dhigey in Ahlu-Sunn is dagaashey, isaga oo u duurxulaya in Ciidamada Ethiopia la geeyo deegaankaas.

Ciidanka Ethiopia waxeey dageen xeradii Ciidanka Dowladda loo diidey ee Har Qaboobe. Nin ka mid ah Saraakiisha Dowladana wuxuu yiri “Waa loo jeedaa sida uu danaha Ethiopia ugu shaqeynayo”.

“Axmed Cabdi Salam Wuxuu abaabulayaa in Dhuusamareeb lagu caleemosaaro, Itoobiyaanka iyo IGAD-na ay aqoonsadaan inuu sharci yahey. Sidoo kale inay Ciidamadda Jabuuti isbaaro u dhigtaan halkaas si aysan Ciidan Jabuutiyaan ah ugu gudbin dhanka Cadaado oo ay is hortaag ku sameeyaan” ayuu yiri Masuul ka tirsan Ergadda ka qeybgelaya Shirka Dhuusamareeb.

Qorshaha Axmed Cabdi Salaam waxaa ka dhashay in Cumar Cabdirashiid looga waco Ethiopia, asaga iyo Safiirka Ethiopia u fadhiya Xamarna waa raaceen Isniintii.

Ila wareedyo muhiim ah waxeey sheegeen in Cumar Cabdirashiid laga dhaadhiciyay qorshaha iyo damaca Axmed Cabdi Salaam.

Waxaa dhacdey talaadadii la soo dhaafey in Safiirka Ethopia ee Xamar uu isugu wacay Beesha Caalamka madaxda ka joogta Somalia sida Nicholas Kay, Wakiilka EU ee Somalia, kan Talyaaniga, AU Wakilkeeda, Safiirka UK ee Somalia, Mareykanka, iyo kuwo kale wuxuuna si cad ugu sheegey iney rabaan haddii ay Itoobiyaan yihiin in Axmed Cabdi Salaam noqdo Madaxweynaha Gobolada Dhexe, iyadoo aan wax doorasho ah ka dhicin Gobolada Dhexe.

Inkastoo Itoobiyaanku rabeen iney Beesha Caalamka taageerto soo jeedintooda hadana dhammaan waa diideen waxeyna caddeeyeen in hanaanka shirweynaha la filayo inuu ka dhaco Cadaado wixii ka soo baxa ay u aqoonsan doonaan natiijada saxda ah.

Waxa ay uga digeen Itoobiyaanka iney faragaliyaan goboladaas oo aysan kicin dadka halkaas degan, taasi oo horseedi karta colaad cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News