Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa wado qorshe la doonayo in lagu dhiso gudiga doorashooyinka ee madaxa banaan, kaasi oo ka shaqeyn doono doorashooyinka sanadka 2016.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in dhawaan gudigaasi dhisi doonaan, si uu kaga shaqeeyo doorashooyinka la doonayo iney Soomaaliya ka dhacaan.
Wasiiro dowlaha ayaa sheegay iney bilaabeen qabashada codsiyada dadka doonaya iney ka qeyb noqdaan gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowlada Soomaaliya,
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay sharciga dhismaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka si ay kaga shaqeeyaan doorashooyinka la filayo iney ka shaqeeyaan doorashooyinkaasi.
Sidoo wasiiru dowlaha Soomaaliya ayaa sheegay iney wadaan qorshaha lagu dhisayo gudiga xuduudaha Soomaaliya oo baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

