27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

QARAX CULUS OO RUXAY MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Makka Al-Mukarama, waxaana la sheegayaa in wadaha gaariga qarxay uu markii hore Bam gacmeed ku tuuray ilaalada Hoteelka balse aysan qarxin Bambada, waxaana xigay qaraxa gaariga, sida laga soo xigtay goobjooge goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugnaa.

Ciidamada Hoteelka ee ku sugnaa dhabarka dambe Hoteelka ayaa rasaaseeyay gaariga, iyadoona uu halkaasi ka baxsaday wadaha gaariga miineysnaa ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 2-ruux oo goobta ku sugnaa, waxa uuna tilmaamay in ishiisu ay qabatay Taliyaha Ciidamada Hoteelka oo dhaawiciisa la qaadayay kana mid ahaa labada ruux ee uu dhaawaca soo gaaray.

Dhanka kale, gaariga ayaa la sheegayaa inay bursanayeen Ciidamada DF Somalia, waxa uuna qarxay ka hor inta aan gacanta lagu dhigin gaariga iyo wadihii la socday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News