32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Gaadiid dagaal iyo ciidamo gudaha u galay Xeraale iyo barakac xoogan oo socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaankaasi ay gudaha u galeen Gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo taabacsan Ahlusunna.

Ciidamada Ahlusuna ee gudaha u galay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, ayaa la socday 9 gaari nooca dagaalka ah.

Galitaanka Ciidamada kadib ayaa waxaa halkaa ka barakacay qoysas badan oo deegaanka deganaa waxaana dadku ay ka baqeen in dagaal uu dhaco.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Ahlusuna ee soo gaaray deegaanka ay wataan Sahay, isla markaana ay sameysteen fariisimo dhowr ah.

”Waxaa nasoo dul dagay ciidamo taabacsan Ahlusuna oo aad u hubeysan waxa ay u muuqdan iney yihiin kuwo dagaal u diyaarsan, qof walbo meeshii uu ku barakici karo ayeey aadeen”

”Ma garankarno sida ay xaaladu noqon doonto waayo waxaan dareemeynaa inay jirto colaad”

Si kastaba ha ahaatee, waxaan ilaa iyo hadda la ogen sababta ay ciidamada Ahlu Sunna u galeen Magaalada Xeraale.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News