25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Gaalkacyo: Maleeshiyaad hubeysan oo xoog ku qabsaday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiid dagaal ayaa xoog ku qabsaday wadada isku xirta Amal Bank iyo saldhigga booliska magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xannibaadda ayaa ka dhalatay amar fulin ah oo maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo soo saartay, kaas oo u oggolaanaya raggan hubeysan inay dhistaan dhul bannaan oo ku yaalla Amal Bank hortiisa.

Hase yeeshee maamulka degmada Gaalkacyo ayaa ka hor yimid go’aanka maxkamadda, taas oo dhalisay muran xooggan oo ka dhashay lahaanshaha dhulkaasi.

Dowladda hoose waxay ku doodayaan in goobtaasi ay tahay dhul dowladeed oo loogu talagalay baarkin, sidaas darteedna aysan cid gaar ah u xukuman karin.

Dhanka kale, raggan hubeysan ayaa ku adkaysanaya in ay halkaas deganaayeen tan iyo sannadkii 1998, isla markaana maxkamaddu u xaqiijisay inay dhisan karaan.

Isku dhaca labada go’aan ee maxkamadda iyo maamulka degmada ayaa sabab u noqday in maleeshiyaadkan hubeysan ay xoog ku qabsadaan dhulka, iyagoo ku andacoonaya in ay haystaan warqad fulin sharci ah, inkastoo dowladda hoose si cad uga biyo diidday go’aankaas.

- Advertisement -

Read more

Local News