Gaalkacyo oo laga baadi-goobaayo nin sheegtay inuu yahay Nabi Maxamed NNKH

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa amar ku bixiyay in la xiro nin lagu eedeeyay muuqaal sawir ah oo uu ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo.

Ninkaani oo lagu magacaabo C/wali Afyare Cali oo ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegtay inuu yahay Nabi Muxamad NNKH.

Mahdi Xasan Maxamed oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa Saraakiisha iyo ciidamada amaanka ku amray inay soo xiraan ninka sheegtay inuu yahay Nabi Maxamed.

Wasiirka ayaa sheegay in xariga ninkaasi lagu doonaayo saacado kooban waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xiriir la laheyn xitaa wadaadnimo maadaama uu ku kacay fal gaf ku ah diinta.

Sidoo kale, Wasiirka amniga ayaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug uga digay in shaqsiga sheegtay inuu yahay Nabi Maxamed ay kusii faafiyaan baraha bulshada.

Waxa uu ugu baaqay in ay joojiyaan faafinta sawirkaasi, wuxuuna ka codsaday in aysan ninkaasi ku garab istaagin qaladka uu galay.

Geesta kale, C/raxmaan Axmed oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug, ayaa diin ka bax ku sheegay tallaabadii uu ku dhaqaaqay wadaadkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com