Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qarxiyay gobolka GEDO

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay gobolka Gedo, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu ka dhacay inta u dhexeysa  Beledxaawo iyo Doolow, waxaana lala eegtay gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu marayay halka loo yaqaano Cinjirta, kaas oo gebi ahaan burburay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goojoogayaal ah oo ku sugan halkaasi.

Dadka dhaawacmay oo ay soo gaartay waxyeelo halis ah ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaallo ku yaalla gobolka oo loola cararay, kadib qaraxa ku qabsaday halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay waddada uu qaraxu ka dhacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi qaraxa ah ee lala eegtay dadka shacabka ah.

Dhanka kale saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta deegaanka kama hadlin dhacdadan xanuunka badan ee ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Belexaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso Gedo oo ay horay ugu dishay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada ka howlgalka gobolkaasi oo hoostaga maamul goboleedka Jubbaland, kadib markii ay u dhigtay miinooyin soo boodo ah.