Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay miino kula qaraxday duleedka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay deegaanka Yaaqxaluul oo hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu ku socdaalayey waddada isku xirta Yaaqxaluul iyo magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in gebi ahaan uu burburay gaariga la qarxiyey, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan illaa saddex qof oo ka mid ah dadkii saarnaa baabuurkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo isugu tegay goobta qaraxa, kadib ayaa gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Kismaayo.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamada Danab oo howlgallo ka sameeyey halkaasi, waxayna gacanta ku dhigeen laba qof oo tuhmanayaal ah.

Saraakiisha Danab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin kale oo aan qarxin, kuwaas oo ay sheegeen inay dhigtay kooxda Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca jidadka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, waxayna weeraro khasaare geysta ka fulisaa deegaannada Jubbaland.