Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad cabsi ah ay ka taagan tahay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Cabsida ayaa ka dhalatay gaari nooca raaxada ah oo lasoo dhigay agagaarka xarunta Immigration-ka, kaas oo looga shakiyay inuu sido qarax.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa isku geedaamay goobta, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo gaariga.
Sidoo kale waxaa la xiray dhaq-dhaqaaqa waddada, ayada oo la xiray goobaha ganacsiga ee ka agdhow halkaasi.
Xaaladda goobta ayaa kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.
Faahfaahinta kala soco: Caasimada.net