Laftagareen oo 4 qodob kala hadlay Imaaraadka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka bilaabay kulamo kala duwan oo xasaasi ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga, kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad Cabdiraxmaan.”

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar gaar ah ula macaamilaa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Imaaraadka taageero xoogan siiyaa ciidanka Soomaaliya, isaga oo ka qayb-qaata qalabeyntooda iyo tababaridooda.