27.9 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Jadwalka doorashada guddoonka iyo hoggaamiyaha K/Galbeed oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in 2-da iyo 3-da Juun loo asteeyay qabashada araajida musharaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, muddadaas waxaa la shaacin doonaa liiska rasmiga ah ee musharaxiinta u taagan guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed.

4-ta Juun ayaa musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada jeedin doonaan khudbadahooda ololaha, si ay u soo bandhigaan qorshahooda iyo himilooyinkooda hoggaamineed.

Isla maalintaas ayaa la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo xildhibaannada cusub ay codkooda ku dooran doonaan hoggaanka golaha.

Dhanka kale, 5-ta iyo 6-da Juun ayaa loo qorsheeyay qabashada araajida musharaxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo socon doonta muddo laba maalmood ah.

7-da Juun ayaa la shaacin doonaa liiska kama dambaysta ah ee musharaxiinta u tartamaya hoggaanka maamulka, halka 8-da Juun ay musharaxiintu jeedin doonaan khudbadahooda ololaha doorashada.

Sida ku cad jadwalka ay guddigu soo saareen, 10-ka Juun ayaa loo asteeyay qabashada doorashada hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo lagu dooran doono hoggaanka cusub ee maamulka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen iska-horimaadyo hubeysan oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Lafta-gareen ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, isagoo dhawaan shaaciyay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay dib gacantooda ugu soo celiyaan maamulkaasi, taas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News