Muqdisho (Caasimada Online) – Sanduuqa qaranka ee maalgelinta cimilada oo kaashanaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha, isla markaana ay taageereyso hay’adda caalamiga ah ee biyaha (GWPSA) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shirweyne muhiim ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay hay’adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday waaxda gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ka arrinsanayay qorshayaal lagu xoojinayo amniga biyaha iyo la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta laba hindise oo muhiim ah, kuwaas oo la xiriira horumarinta adeegyada biyaha iyo kordhinta adkaysiga bulshooyinka Soomaaliyeed ee saameynta isbeddelka cimilada ee afarta sano ee soo socota.
Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahayd ansixinta mashruuca “nidaamyada kaydinta iyo gurashada biyaha roobka ee magaalooyinka nugul ee Soomaaliya”, kaas oo lagu qiyaasay 25.8 milyan oo doollar.
Mashruucan ayaa laga hirgelin doonaa magaalooyinka Xuddur ee gobolka Bakool, Garbahaarey ee Gedo, Matabaan ee Hiiraan, Dhuusamareeb ee Galgaduud, Laascaanood ee Sool iyo Badhan ee Sanaag, kuwaas oo ka mid ah deegaannada sida weyn u wajahaya caqabadaha la xiriira helitaanka biyaha.
Ujeeddada mashruuca ayaa ah dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha gurashada iyo kaydinta biyaha roobka, si loo helo ilo biyo oo waara isla markaana lagu kalsoonaan karo, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan abaaraha.
Sidoo kale, mashruucu wuxuu xoogga saarayaa xoojinta nidaamyada xog-ururinta iyo saadaasha cimilada, iyo horumarinta maamulka biyaha ee heer degmo, si loo yareeyo saameynta ka dhalata abaaraha soo noq-noqda ee dalka.
Dhanka kale, ka qeyb-galayaashu waxay ansixiyeen barnaamijka maalgashiga biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030, oo ay hoggaaminayso wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha, kaas oo leh qorshe maalgashi oo lagu qiyaasay 232 milyan oo doollar.
Barnaamijkan ayaa taageeraya mashaariic mudnaan leh oo la xiriira biyo-gelinta, kaydinta biyaha, maareynta fatahaadaha, horumarinta biyaha dhulka hoostiisa, waraabka, nadaafadda, adkaysiga cimilada iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.
Shirkan ansixinta ayaa calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo qorshaha Soomaaliya ee maalgashiyada biyaha u adkaysi u leh isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale la waafajinayo qorshaha horumarinta waaxda Biyaha, qorshaha qaranka ee la-qabsiga cimilada (NAP), NDC 3.0, qorshaha isbeddelka qaranka iyo barnaamijka maalgashiga biyaha Afrika (AIP).
















