28.9 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Magaalada Baydhaba oo bandow lagu soo rogay iyo amarro culus oo soo baxay

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa maanta lagu soo rogay bandow culus oo caawa dhaqangalaya, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Amnig Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan (Joon).

Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sidoo kale soo saaray awaamiiir kasoo baxday maamulka, maadaama la galayo doorashooyin guud.

Joon ayaa sheegay in bandowga uu bilaanayo 7:00 habeenimo, uuna soconayo ilaa Salaadda Subax, isla markaana uu quseeyo dhammaan shacabka, iyada oo la joojiyay isku socodka guud ee magaalada Baydhaba.

Ujeedka waxa uu ku sheegay in la sugayo amniga, maadaama loo diyaar garoobayo doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha oo dhawaan lagu qaban doono halkaasi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wax hub ah aan lagu dhex wadan karin magaalada, si looga hortago fal kasta oo amni darro ah, isla markaana lagu carqaladeynayo amniga iyo hufnaanta doorashooyinka.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay inay u hoggaansamaan awaamiirta soo baxday, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Baydhaba waxaa haatan ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaas oo wada howlgallo guud oo amni xaqiijin ah, waxayna isku fidiyeen gudaha iyo daafaha magaaladasi.

Dhawaan ayay ahayd markii ay magaalada soo weerareen ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaas oo dagaal la galay ciidamada dowladda, iyada oo markii dambe dib loo celiyay kadibna la gaystay khasaare xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News