Gaari qaraxyo ay ka buuxaan oo goordhow lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka Dowladda, ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, kadib markii ciidanka dadka shacabka ah ay ku soo wargeliyeen gaarigaan.

Gaariga ayaa laga qabtay Xaafada haanta dheer ee Degmada Dayniile, kadib markii dadka oo ka shakiyay baabuurkaan laamaha ammaanka ay ku wargeliyaan, sidaasina ciidanka ay ku tageen goobta.

 Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen Gaarigan in lala damacsanaa in lagu Qarxiyo meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, balse xogo ay heleen Ciidamada ammaanka suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidamada amaanka ayaa si weyn adkeeyay amaanka,iyadoo baaritaano ay ka socdaan meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa balan qaaday iney ka adkaan doonto falalka amaanka lidi ku ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay Kaarib, ayaa waxaa laga soo dhex saaray qaraxyada nooca gaadiidka lagu dhajiyo, sida Saraakiisha ammaanka ay noo xaqiijiyeen.
Majirin cid lagu soo qabtay gaarigaan, maadaama meel cidlo ah uu yeelay, waxaana socda Baaritaanka ku aadan qaraxa Baabuurkaan ee ciidamada ammaanka ay qabteen.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan shaqsiyaad aad loo tuhmaayo oo ciidamada Dowladda ay ka baadigoobayaan Xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile.

Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah