Gaari xamuul ah oo looga shakiyey inuu sido qaraxyo oo lasoo dhigay Black Sea

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca qaada xamuulka, isla-markaana looga shakisan yahay inuu sido walxaha qarxa ayaa goor dhow lasoo dhigay agagaarka Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray gabi ahaan dhaq-dhaqaaqa wadadaasi, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay baabuurkaasi laga shakiyey.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale haatan wadaan dhaq-dhaqaaq xoogan, iyaga oo dadka iyo gaadiidkaba ka celinaya halka lasoo dhigay gaarigaasi.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa lugaha ka banjariyey gaariga, waxaana haatan ku socota baaris xoog leh.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka shacabka ah iyo ciidamada ammaanku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale qaraxyo geystay khasaare kala duwan.