Gaas oo bixiyey amar ka dhan ah QM oo xasaasiyad abuuri kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan ka duwan kuwii hore la qaaday masuuliyiinta hayadaha ka howlgala magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Kulankaasi oo saacado qaatay ayaa hogaamiyaha Puntland C/Welli Gaas wuxuu su’aalo badan ku weydiiyay madaxda hayadaha kala duwan ee ka howlgala magaalada Garowe, kuwaasi oo la xiriiray mashaariicda horumarineed ee deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa awaamiir cusub dul dhigay hayadaha aanan wali dhaqan gelin mashaariicdii horey  ay u qaateen, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la ogaado dhaqdhaqaaqa mashaariicda.

Sidoo kale wuxuu hayadaha ka howlgala Garowe ee Qaramada Midoobay uu ku amray iney si dhow ula socdaan dhaqaalaha lagu soo qaato magaca Puntland, iyo la marsiiyo deegaanada lagu soo qaato dhaqaalahaasi.

Sidoo kale C/Welli Gaas wuxuu ku amray hayadaha Qaramada Midoobay iney soo gudbiyaan dhamaan shaqaalaha ka shaqeeyo xafiisyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe marka laga reebo ajaaniib si ay u bixiyaan lacagaha canshruuha ah.

Arrintan ayaa la sheegay in QM aysan ku farxin, ayna ka dhiidhinayaan.

Ugu Dambeyn C/Welli Wuxuu u shaqeeyay madaxda uu la kulmay in adeegyada laga sameeyo magaalooyin in loo baahan yahay in la gaarsiiyo deegaanada Fog fog ee miyiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com