Amisom oo diiday codsigii Xasan ee ahaa in SHEEKH SHARIIF aan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu wajigabax kala kulmay Taliska Ciidamada AMISOM ee Somalia.

Madxaweyne Xassan ayaa wajigabaxa la kulmay kadib markii Saraakiisha ugu sareysa taliska uu ku amray in ciidamadooda aysan ilaalo gaar ah u noqonkarin Madaxweynihii hore ee Somalia ahna Musharax u taagan doorashada Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xassan ayaa taliska u sheegay in ujeedka ay u joogan Somalia aysan kamid aheyn in ilaalo ay u noqdaan shaqsiyaad gaar ah oo aan ka tirsaneyn dowlada Somalia.

Xassan waxa uu ku dooday in wixii khuseeya amniga ay Musharaxiinta u adeegsan karaan ciidamada dowlada, balse ay mamnuuc tahay in AMISOM ay si dadban uga qeybqaatan Siyaasada Somalia.

Talisku waxa uu sheegay in amarka lagu sugaayo amniga Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif uu yahay mid kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Ugandha Y.Musevani.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada ilaalin doona Sheekh Shariif ay yihiin keliya kuwa kasoo jeeda dalka Ugandha, sidaana ay sabab u tahay inay isku diyaariyaan qaadashada amarka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Musevani.

Musevani oo saaxiib dhow la ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa cabsi gaar ah ka qaba in dowlada Somalia, ay beegsato Musharaxaani doonaaya in mar kale uu xilka qabto.

Cabsida ugu badan ayaa ah in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh uu ugaarsado musharaxiinta uu sida gaarka ah uga cabsi qabo in booska ay ku cariiriyaan.

Dhawaan ayay aheyd goortii ay warbaahinta qortay in ciidamada AMISOM ka jooga Somalia ay kaalin buuxda ka qaadan doonaan sugida amniga Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com