Xasan Sheikh oo siyaasada DDSI ku tilmaamay mid muqadas ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka digay in la carqaladeeyo jiritaanka iyo amniga maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisu aysan ka raali noqon doonin in la Siyaasadeeyo xasiloonida ka jirta dhulka Soomaalida Itoobiya, waxa uuna carab dhabay inay laba jibaari doonaan xiriirka kala dhexeeya maamulkaasi.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay aaminsan tahay in aysan cudur daar laheyn dadka carqalada ku haya dadka noloshooda waxa uuna cadeeyay in dowladiisu ay ka go’an tahay taabagalinta Siyaasada iyo Xasiloonida maamulkaasi.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay inuusan kasoo horjeedin in aragti laga dhiibto qaabka ay usocto siyaasadaha lagu maamulaayo dhulka Soomaalida degto, balse uu ku talinaayo in qaab degan looga hadlo oo aan carqalad laga dhigin siyaasada ka socta dhulka Soomaalida.

Amniga iyo Xasiloonida ka jirta dhulka Soomaalida Itoobiya ayuu sheegay inay tahay mid muqadas ah oo aan laheyn gorgortan.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo dhawaan booqasho dhowr maalin ah uu ku tagay magaalada Jigjiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com