Ethiopia oo u yeertay C/Weli Gaas iyo 2 arrin oo lagala hadli doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ugu yeertay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas.

Madaxweynaha maamulka ayaa waxaa safarkaasi ku wehlin doona xubno aan sidaa usii badneyn, waxaana lagu wadaa in magaalada Addis ababa ay kuwada qaatan kulan gaar ah oo uu albaabada u xiran yahay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Booqashada C/wali Gaas aysan aheyn mid isaga kasoo go’day balse ay u yeertay dowlada Ethiopia oo wax ka weydiintoonta laba arrin oo ay kamid yihiin doorashada iyo khilaafka ka dhashay labada lamber ee Puntland ka heshay aqalka sare ee dalka.

Gaas ayaa waxaa sidoo kale laga wareysan doonaa qodobo kale oo ku xeeran natiijada kasoo baxday kulamo gaar ah oo ay madaxda Ethiopia la qaaten Xassan Sheekh inta uu ku suganaa magaalada Jigjiga.

Uyeerida C/wali Gaas ayaa ah mid aan sidaa loo sii shaacin waxaana la filayaa in magaalada Addis Ababa uu ku sugnaan doono ilaa Seddex maalin waa haddii aan isbedel ku imaan qorshaha safar ee Gaas.

Dowlada Ethiopia ayaa xusul duub ugu jirta sida ay ku kala dhantaali laheyd Siyaasada Somalia, waxa uuna ujeedkeedu yahay inay ku dhexmilanto arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com