Xog xasaasi ah:: Villa Somalia oo hanjabaado gaar gaar ah u dirtay…

Muqdisho(Caasimada Online) –  Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia ay bilowday in Hanjabaado ay u dirto Idaacadaha ugu afka dheer ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qaar kamid ah Agaasimayaasha Idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay heleen hanjabaado lid ku ah shaqooyinkooda waxa ayna tilmaamen in loogu goodiyay in laga xiri doono Idaacadahooda waa haddii aysan ka fiirsan hadalada ay ka baahinayaan dowlada, gaar ahaan kuwa dhaawacaaya Siyaasada Xassan Sheekh.

Goodinta ka imaaday Villa Somalia ayaa la sheegay inay tahay mid salka ku heysa difaaca Siyaasada Xassan Sheekh, waxaana la tilmaamay in Idaacadaha gaar lasiiyay fursad kama danbeys ah.

Qeybaha looga digay Idaacadaha ayaa waxaa kamid ah sida maqaalada laga aqriyo Idaacada, Wararka laga soo xigto dhinacyada mucaaradka iyo inay wareysi la sameeyan dadka shacabka ah ee dhaliisha u jeediya dowlada.

Dowlada Somalia ayaa kasoo horjeeda in la falanqeeyo Siyaasadaha gaarka ah ee kasoo horjeeda tan Villa Somalia iyo arrimaha ku-xeeran doorashooyinka.

Maaha markii ugu horeysay oo Madaxtooyada Somalia ay hanjabaado u dirto Idaacadaha, waxaana la soo sheegayaa in Hanjabaada ay u gaar aheyd Agaasimayaasha qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com